Arag Sawirrada Buulo-Burde laga soo qaaday iyo sidan shacabku u farxeen

Buuloburde (Caasimada Online)-Magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ooo 125km dhinaca Waqooyiga uga beegan tahay caasimada Muqdisho, waxaa Khamiistii horre ay soo gashay gacanta dowladda Soomaaliya.

Magaalada Buuloburde waxaa ganta ku hayay lixdii sanno ee la soo dhaafay ururka Al-Shabaab.

Buuloburde waa magaalada labaad ee ugu weyn gobalka Hiiraan waa magaalo muhiim marka loo eego isku xirka gobalada dhexe iyo koonfurta.

Haddaba magaalada inta badan dadkii ku noolaa waa ay ka qaxeen waxaana ay galeen duurka iyo magaalooyinka kale ee ku dhow dhow.

Dadkii ku noolaa magaalada ayaa dib ugu soo laabtay markii loo sheegay magaalada in ay joogaan kaliye ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Jabuuti.

Haddaba akhristayaasha ku xiran Caasimada Online halkan haka eegaan sawirro laga soo qaaday magaalada markii ay qabseen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sawirrada waxaa ka muuqda carruur sita calanka dalka Jabuuti kuwaasoo ciidanka magaalada qabsaday waddooyinka ku soo dhaweeyay.

20143156353048275398442381

20143156353048288020871862

20143156353048353852174036

2014315635304836359347684ciidamo_jabuti_3

2014315635304836638276007ciidamo_jabuti_4

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

Caasimada@live.com