Aragtida Danjire Ameeriko ee dib usoo celinta xasilloonida Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in Soomaaliya ay ka dhacayaan doorashooyin qaran, ayaa safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko waxa uu rumeysan yahay inuu yahay qofka ku haboon in dalka uu ku hoggaamiyo baraare iyo xasilooni.

54 jirkan ayaa doonaya inuu kursiga kala wareego madaxweyne Xasan Sheekh oo Soomaali badan ay rumeysan yihiin inuu ku fashilmay hoggaanka dalka.

Diblomaasigan ayaa waxaa u muquda in dowladda federaalka ee hadda jirta aysan diiradda saarin la dagaalanka Al-Shabaab oo halis ku ah dalka iyo dalalka deriska ah.

Waxaa qorshihiisa ka mid ah wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada oo qeyb ka ah in badankood ay ku biiraan kooxaha xagjirka.

Dib u heshiisiin rasmi ah oo laga soo billow gunta hoose, ayaa sidoo kale diiradda u saaran Danjire Ameeriko, haddii uu ku guuleysto hoggaanka dalka.

america“Waan dareemi karaa carrada dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda, iyo dalalka deriska ah ee ku wajahan xasilooni darrada ka jirta dalka, inkasta oo marar badan la isku dayay in lasoo celiyo nabadda” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Musharaxiinta la filayo inay la loolamaan waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Intii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya waxaa lagu xusuustaa inuu damin jira xiisadda ka dhalata mar kasta oo Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, isaga oo garab istaagi jira qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Maxamed Cali Ameeriko waxa uu sheegay in haddii la doorto uu muhiimadda saari doono sidii ciidamada amniga Soomaaliya ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, intii la isku haleyn lahaa ciidamada Amisom.

“Waan ka mahadnaqeynaa waxa ay noo hureen ciidamada Amisom tobankii sano ee tagay, laakiin waxaan garowsanahay in Amisom aysan sii joogi karin dalka weligood, sidaa darteed waa inaan billownaa dib u dhiska iyo xoojinta ciidamada qaranka” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan iminka kaligood la dagaalami karin Al-Shabaab ayaga oo aan caawimaad ka heleyn Amisom.

“Tani ma sii socon karto haddii la doonayo in halista Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo gobolka meesha laga saaro” ayuu yiri.

“Waxaa aad u yar lacagta lagu maal-gelinayo ciidamada Soomaaliya, waxay mushahar u qataan kaliya 100 dollar bishii, oo mararka qaar ay waayaan, taasna waa in wax laga beddelaa” ayuu yiri Ameeriko.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mallaayiin dollar ku heshay magaca ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee aysan muuqan in lacagtaas la geliyey ciidanka.

Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Kenya waxa uu sheegay in sidoo kale uu diiradda saari doono maal-gelinta iyo shaqo u abuurista dhallinyarada, taasi oo qeyb ka ah xasilooni kusoo celinta dalka.

“Sanado badan ma aynan arag hindisayaal shaqo loogu abuurayo dhallinyarada, ama fursado waxbarasho lagu siinayo, waana taas sababta ay ugu nugul yihiin inay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah” ayuu yiri.

“Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale naftooda ku haligaya badda si ay u gaaraan Yurub” ayuu sii raaciyey.

Dhowaan ayay ahayd markii uu socdaal dheer ku maray gobollada dalka, si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda nololeed ee dadka, markaasi oo in badan oo ayaga ka mid ah ay ugu baaqeen inuu is-sharxo.

Waxa uu sheegay in dhibka sii socda ee Soomaaliya ay sababteeda ugu weyn tahay ayada oo aysan jirin dib u heshiisiin rasmi ah, oo meel hoose laga soo billaabay.

Bishii September ee 2014 ayaa isaga oo shaah ku cabaya baar ku yaalla Muqdisho, waxaa Ameeriko u yimid nin u sheegay inuu 22 sano kahor qeyb ka ahaa koox dishay gabadhiisa.

“Markii uu ii sheegay waan carrooday, waxaan damcay inaan dilao, haddana ilaah baa I dejiyey, waxaana u sheegay inaan iska cafiyey alle dartiis” ayuu yiri.

Waxa uu rumeysan yahay in Soomaaliya ay u baahan tahay cafis noocaas oo kale ah oo dadka oo dhan dhex mara.

Inkasta oo musharaxiin badan la filayo inay ku tartamaan doorashada Soomaaliya ee dhaceysa dhammaadka October, haddana waxaa la rumeysan yahay in Maxamed Cali Ameeriko uu ka mid yahay kuwa ugu cad cad, sababo la xiriira taageerada uu ka haysto shacabka iyo xaqiiqda ah in lagu xasuusto oo kaliya wixii uu u qabtay shacabka, isaga oo aan xittaa hal dambi ka gelin dalka.

Danjire Ameeriko waxa uu wax ku bartay dalka Mareykanka, isaga oo ka qalin jebiyey jaamacadaha Montgomery College iyo University of Maryland ee gobolka Maryland, halkaasi oo uu ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

Markii uu qalin jebiyey sanaddii 1985-kii, waxa uu ku laabtay dalka, isaga oo ka shaqeeyey bankigii dhexe ee Soomaaliya, oo uu madax ka ahaa qeybta xisaabaadka, ka hor inta uusan dagaalkii sokeeye qarxin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com