Daawo Sawirada: Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho oo warshado loo furay..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Asluubta ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayo mudan kadib markii ay shaqooyin u abuuren Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxaabiista ayaa waxaa loo sameeyay warshado ay ku qaatan tababaro, Farsamooyi iyo qaar kamid ah oo iyaguna la baraayo Farshaxanka iyo qaabka loo isticmaalo Xarqaanka.

Maxaabiista oo ahaa kuwo ay daahsatay caajis iyo meel fadhi ayaa waxaa hadda ay u muuqdaan kuwo mashquul la darisay waxa ayna maalin waliba u kala hayaaman warshadaha iyo barashada farsamooyinka kale.

Maxaabiista ayaa isugu jira kuwo u xiran danbiyo dil, Al-shabaabnimo, dhac iyo Boob, halka kuwa qaarna ay yihiin kuwo lagu wado tarbiyeen, waxa ayna gabi ahaan iminka yihiin kuwo ka siman barashada Farsamada, markii laga reebo kuwo ku xukuman dilka.

Barashada farsamooyinka ayaa looga gol leeyahay marka ay xabsiga ka baxaan dhalinyaradani inay naftooda ku maareeyaan xirfadahan ay soo barteen.
1

2..

3,

4,