Baydhaba (Caasimada Online) – Xaalad cabsi iyo walaac xooggan ayaa ka dhalatay dagaalladii cuslaa ee maalmahan kusoo noqnoqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dagaalladan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, waxaana weli taagan cabsi horleh oo ku aadan in mar kale ay dagaalamaan labada dhinac oo weli isku horfadhiya bannaanka magaalada.
Xidhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday haddii aan wax laga qaban xaaladda taagan ay dagaallada kusii fidi karaan dhammaan deegaannada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadda sow Baydhaba kama socda dagaalka, iyadoo tuulooyinka iyo degmooyinka uu ku fiday ayaad arkeysaa, yaa gurigiisa AK47 oolin? sidii shalay maanta ma aha,” ayuu yiri Dalxa.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in deganaan la muujiyo, isla arkaana wada-hadal iyo midnimo lagu wajaho xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan Maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaan leeyahay baahashaan walaalow ayay ku fiican tahay Koonfur Galbeed oo la wada leeyahana ay ku suntanaato laakin dhabar iska taabashadan ma soconeyso,” ayuu sii raaciyay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kasoo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xaalad bandow ah lagu soo rogay Baydhaba, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Go’aankan ayaa qayb ka ah tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada, iyadoo Baydhabo ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya gudaha magaalada.

