Arrin QM ay ka damacsan tahay Muqdisho khilaaf cusub abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan shabakada Caasimada Online ay sheegtay in la jaraayo wadad isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa iminka soo ifbaxaaya warar sheegaya in Khilaaf adag uu ka dhex taagan yahay Wakiilada UN iyo AMISOM u jooga Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Khilaafka ka dhex oogan UN iyo AMISOM, ayaa salka ku haya qodobka la xiriira xirirta wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha, waxa ayna wakiilada UN-ka ka jooga Somalia soo jeediyeen in gabi ahaan la jaro wadadaasi sababo la xiriira weerarada maleeshiyada Al-shabaab oo sii kordhaaya.

Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika Col. Osman Subagle, ayaa qaadacay in la jaro wadada gasha Garoonka Aadan Cadde waxa uuna soo jeediyay in la laba jibaaro ciidamada ka howlgala wadadaasi si loo adkeeyo amaanka wadadaasi gasha Garoonka.

Col. Osman Subagle, waxa uu sheegay in AMISOM ay sumcad darro usoo jiideyso xirista wadadaasi muhiimka ah, waxa uuna carab dhabay in xirista wadadaasi ay Somalia uga dhigan tahay amni darro ka jirta dalka.

Col. Osman Subagle, waxa uu sheegay in laga wanaagsan yahay in dhaqaalaha ay bixineyso UN-ka aysan u haleyn wadada gasha garoonka, waxa uuna ballanqaaday in taa bedelkeeda uu diyaar u yahay inuu la imaado ciidamo hor leh oo ilaaliya amaanka wadadaasi.

Col. Osman Subagle, waxa uu ku dooday in AMISOM ay diyaar u tahay in dhiiga ciidamadooda uu ku daato wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde iyaga oo sugaaya amniga, balse laga wanaagsan yahay in wadadaasi la xiro iyadoo laga cabsanaayo weeraro.

Wakiilada UN-ka ayaa dhankooda kasoo jeediyay in la xiro wadadaasi taasi bedelkeeduna ay sameeyaan Basas u kala goosha Isgoyska KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde si ay usoo daabulaan dadka musaafurka ah ee ka dhoofaaya garoonka ama kasoo dega garoonka.

Kulan ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho Talaadadii la soo dhaafay oo u dhexeeyay Madaxda DFS, UN-ka iyo AMISOM ayaa waxa ay madaxda DFS kula safteen dhinaca fikirka Midowga Afrika iyagoo sheegay in tixgalin uu mudan yahay ra’yiga Midowga Afrika ee ah inaan la jarin wadadaasi balse la dhigo ciidamo farabadan.

Kulankaani oo leysla gaaray meel adag, ayaa la sheegay in wakiilada UN-ka ay isaga baxeen shirka, taasoo muujinaysay in ay ka careysan yihiin diidmada ay Midowga Afrika la yimaadeen.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili dhawaan la filaayo in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho isla markaana dalka uu gali doono xaalad cabsi leh, taasi oo suuragalinkarta in maleeshiyaadka Al-shabaab weeraro ku qaadan xarunta Halane iyo xarumaha kale oo ay degan yihiin ciidamada ajaanibta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com