Arrin yaab leh: Dhallinyaro bastooladdii uu watay ku dilay sarkaal Shabaab ah oo turub ka bannaday (Aqri)

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degmada Afgooye, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Sagaalaadka lagu dilay sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Dilka sarkaalkan ayaa yimid kadib markii uu ku amray inay joojiyaan dhalinyaro Turub cayaareysay, kuwaasi oo ku sugnaa xaafada Sagaalaadka ee degmada Afgooye, wuxuuna bastoolad uu watay ka riday dhawr xabadood, intaasi kadib ayaa dadka shacabka ahaa xoog kaga qaateen sarkaalkan bastoolada, isla goobta ayayna ku toogteen.

Sarkaalka Shabaab laga dilay ayaa ahaa guddoomiyihii tuulada Gaalawar oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nageey.

Dadka shacabka ahaa ee dilka geystay ayaa goobta durba isaga cararay marka ay dilka geysteen, iyada oo halkaasi ay gaareen xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo qaatay meydka ninka la dilay.

Waxaa la soo warinayaa in dadka degaanka ay dareemayaan cabsi ku aadan in Shabaab ay dhibaateeyaan, maadaama ay dileen sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, dadka qaar ayaa la sheegay inay gudaha u soo galeen degmada Afgooye cabsi darteed.

Maamulka degmada Afgooye weli kama hadlin dhacdadaas oo aheyd midii ugu horeysay ee ka dhacda deegaanka Sagaaladka ee duleedka degmada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com