Arrinta Xasan Daahir & wadahadallada Jubaland oo DF ku diray xildhibaanda

Muqdisho (Caasimada Online) – Addis-Ababa waxaa wali ka socda kulan u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed , waxaase jira dhaliilyo iyo hadala kala duwan oo shirkas ku wajahan , waxaana jira afkaar kala gadisan oo shirkaas laga muujinayo .

Inkastoo wali kulankaas uu socdo kala aragti duwanaanshana ay jirto, ayaa waxaa arintaas sii murjinaya siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood , waxaa jira kuwo shirkaas soo dhaweeyey rajo wanaagsana ka muujiyaya , waxaase jira kuwo iyana ku tilmaamay mid aan habooneyn laguna fududaaday.

Xildhibaan Daahir Dmiin Jeesoow, waa mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya waana  Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo arimaha maamul u sameynta gobolada, wuxuu qabaa fikir ah in marnaba shirkaas uusan aheyn mid xalaal ah laguna fududaaday.

Daahir, Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe, uu la mid yahay Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane, sidaasi dartedna aaney meeshaba oolin sabab  lagu qancin karo oo looga wada xaaajoon karo masiirka iyo danada dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Marka laga soo gudbo arinta mashaqada badan dhalisay ee Kismaayo waxaa jira dhanka kale Arin iyada ka taagan Muqdisho waan xariga Sheekh Xasan Daahir, hogaamiyihii ururkii Xizbul Islaam  oo wali u xiran dowlada Soomaaliya.

Mar uu arintaas ka hadlayay Xildhiba Daahir Amiin , wuxuu sheegay in dhanka madax adeega ay isaga mid ka yihiin Axmed Madoobe oo  mar ay isla soo shaqeeyen isagoo taasi tusaale uga dhigay in xiriir hoose uu jiro balse dadku aysan inta badan fahmi karin .

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in maalintii ay qabatay Xasan Daahir, ilaa maanta inta ka dhexeysa laga tuugayo inuu u hogaansamo dowlada Fikirkiisii Shabaabnimadana uu ka tanaasulo Shacabkiisana uu wax la qeybsado .

Sidaas si la mid ah wuxuu sheegay in Axmed Madoobe isna laga tuugato muddo fog shacabka Jubbaland maamul ay ka qanacsan yihiin waa in  ay helaan, kaas oo horimaanaya dowlada Soomaaliya , taasina ay imaan karto marka sharciga xuduudaha ee maamul goboleedyada ay Baaarlamaanku meel mariyaan.

Wuxuu dhaliilay wada hadlka Ethiopia uga socda dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe maamulkiisa waxaana uu sheegay in Axmed Madoobe aanu u qalmin in lagala tashto danaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa tagan wali jahwareer ku aadan siyaasadda dowlada ee Jubbaland iyo siyasadda Jubbaland ee dowlada waxaana muuqanayaa mid waliba uu wax maagan yahay la arki doonee waxa rasmiga ah ee kasoo baxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com