Askar ka tirsan milateriga oo sabab yaab leh maanta shacab ugu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada milateriga oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa si bareer ah maanta duhurkii qof shacab ah ku dilay kasoo horjeedka Bacadlaha Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Askartaasi oo xiligaasi dhacayay Qaad ayaa rasaastii ay fureen ay ku dishay qof shacab ah, waxayna goobta ay ka qaateen dhowr xermo oo qaad ah.

Goobta dilka ka dhacay ayaa saacad kadib waxaa soo gaaray taliyaha ciidamada booliska degmada Xamar Weyne oo goobta ka qaaday meydka qofka shacabka ah.

Goobta falka dhaca iyo dilka uu ka dhacay ayaan ka fogeyn xarunta laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidamo milateri iyo boolis ka tirsan.

Lama oga in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin kuwa ilaaliya madaxtooyada Villa Somalia iyo in ay ahaayeen kuwo dool ah oo degmada Xamar Weyne bannaankeeda ka yimid.

Sidoo kale waxaa isla maanta iridka dekadda Muqdisho horteeda lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur.

Askarta dowladda ee ku sugan gudaha Muqdisho ayaa si macno daro ah u geysta dilalka, iyadoo aysan jirin anshax iyo edeb ay dadka rayidka iyo dhexdooda ay iskula dhaqmaan, wuxuuna askariga qoriga heysta is moodaa inuu dadka rayidka wax badan ka awood badan yahay.