Askar ka tirsan Militeriga Kenya oo u goostay Shabaab & Baadi goob xoog leh oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Militeriga Kenya ay u goosteen maleeshiyaadka Shabaab ee ka dagaalama Somalia iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ee u goostay dhanka Shabaab ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa Lix Askari kuwaa oo xiliga goosashadooda isku sii diyaariyay deegaan dhaca Degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidamadani ayaa la xaqiijiyay inay la goosteen gaari loogu tallo galay roondada iyo Hubk ay wateen, waxaana halkaa ku qaabilay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo markii hore uu kala dhexeeyay xiriir.

Maleeshiyaadka qaabilay Askarta baxsadka ka ahaa dowlada Kenya, ayaa la xaqiijiyay inuu hogaaminaayay Sargaal kasoo jeeda dalka Kenya balse markiisa hore ka goostay al-Shabaabka Kenya.

Maleeshiyada Shabaab ayaa dagaal ba’an kula jirta dowlada Kenya oo iyadu awood ciidan ku heysata dhulal farabadan oo ay leedahay Somalia.

Dowlada Kenya kama aysan hadal ciidamadeeda u goostay Shabaab, waxaase socda baaritaano lagu xaqiijinaayo sababaha kalifay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

SHARE