Askar Sacuudiyaan ah oo lagu laayey xadka Yemen

Sanca (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaartay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen.

Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii,  markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca.

Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen.

Xulifadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu cayriyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.