Axmed Cali Daahir oo faah-faahin ka bixiyey wararkii ugu dambeeyey dacwada badda

Hague (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey halka uu marayo kiiska badda ee Soomaaliya & Kenya, gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Hague ee wadanka Holland.

Axmed Cali Daahir oo ka mid ah guddiga Soomaaliya ku metalata dhageysig dacwadda Badda ee maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in rajadooda ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaliya qubaro aqoontoodu ay sarreyso, islmarkaana ay yihiin sharci yaqaano lagu kalsoonaan karo.

“Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo,” ayuu yiri xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in Soomaaliya ay dhibane u tahay Kenya oo sheeganeyso badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, illaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa Jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta,” ayuu markale ku yiri wareysiga Dr Axmed Cali Daahir.

“Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo, Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, ilaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta, ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Si kastaba 15-ka bishan March ayaa lagu wadaa inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya & Kenya, waxaana magaalada Hague ku sugan wafdi ka socd dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.