Axmed Godane oo qaaday tallaabo aan marnaba laga fileyn (Warbixin)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Baraawe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maleeshiyada kooxda Al-Shabaab Axmd Cabdi Godane, ayaa xabsiga kasii daayey mid ka mid ah raggii kasoo horjeeday ee uu horey u xiray, waxaa sidaas qoray website taageera garabka Al-Shabaab ee kasoo horjeeda Godane.

Website-ka Rasminews.com waxa uu shaaca ka qaaday in Godane uu sii daayey Macallin Cubeyda oo in muddo ah xabsiga ku jiray, ayada oo tallaabadan lagu qeexay mid aan marnaba laga fileyn.

Cubeyda, ayaa sida warbixintu lee dahay waxaa la xiray maalin jimca ah taarikhduna aheyd 21-june 2013, waana maalintii ka danbeysay dilkii horjoogayaashii kale ee Al-Shabaab ee Abu-Bakar Al Seylici oo sidoo kale loo yaqaan Ibraahim Afghan iyo Macallin Burhaan.

Maalinkii la xirayey ayaa Cubeyda looga yeeray saldhiga Al Shabab ay ku leyihiin Baraawe, waxaana markii uu tagay lagu shubay xabsi, loona sheegay inuu amarka bixiyey Godane.

Illaa iyo hadda lama sheegin wixii hogaamiyey in Godane uu xabsiga kasii daayo Cubeyda, xilli uu dilay qaar ka mid ah raggii kasoo horjeeday.

Si kastaba khilaafka kooxda Al-Shabaab, ayaa weli ah mid taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com