“Axmed Karaash waa nin jabhad ah waa dhici kartaa inuu Somaliland weeraro”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hadda ka tirsan saraakiisha xisbiga Wadani ayaa ka hadlay waxay Somaliland kaga dhigan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Baashe Cali Jaamac, ayaa ugu horeyn sheegay inuu la dhacsan yahay hanaankii wanaagsanaa ee ay ku dhacday doorashadii seddex maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in horumar ay gaaraan maamulada kale ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay inay Soomaaliya oo dhan horumar gaareyso, isaga oo sheegay in hanaan dimuqraadiyadeed ay ku dhacday doorashada.

Wuxuu si gaar ah kaga hadlay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne ku xigeenka maamulka Putland Axmed Karaash oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka SOOL.

Baashe Cali, ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay nin dagaalka wax ka yaqaan, islamarkaana ay jirto cabsi ah inuu Somaliland uu dagaal kusoo qaado, maadaama marar badan uu dagaalo ka qeyb qaatay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ku keeni kartaa inuu dagaal qaado, waayo ninkaan waa nin jabhad ah oo ilaa Kalshaale kasoo dagaalamay, marka wey dhici kartaa, Sababtana inagaa leh oo waa inagii Tukaraq weerar ku qaadnay eeda anagaa leh, iima muuqato in weerarkii Tukaraq dhul lagu soo celinayay”ayuu yiri Baashe Cali.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Tukaraq uu ahaa mid dad badan oo deegaankiisa ku sugnaa lagu barakiciyay, islamarkaana Somaliland ay askar badan kaga dhimatay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@Live.com