A/Madoobe oo muujiyey dabac Maxaa is-bedelay?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlayay shirka wasiirada amniga maamul goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Kismaayo ayaa jeediyay khudbad ay ka muuqatay isbadal dahsoon oo dhankiisa ah.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dowladda goboleedyada aysan ku awood aheyn dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay yihiin dowlad goboleedyo ka hooseeyo, kuna yimid nidaamka Federaalka dalka.

“Annagu ma nihin dowlado Soomaali la yiraahdo ee waxaan nahay dowlad goboleedyo nidaam federaal ah ku yimid, oo BUUG yar oo baluug ah lagu soo qoray, oo dan la mooday, ma ahan inaan kursiga dowladda heysano, ma ahan inaan nahay madaxweynayaal, ka sareeya dowladda ama la garab siman, ee waxaan nahay dad isla shaqeynaya”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa halkaasi ka muuqda in wax badan ay iska badaleen khudbadihii uu jeedin jiray madaxweyne Axmed Madoobe oo aad uga adkaa sida uu shalay u hadlay, waxaana muuqata in hadda ay dareemayaan xerxernaan laga soo xeray ilo badan oo dhaqaalo ay ka heli jireen.

Axmed Madoobe, ayaa waayay labo madaxweye oo saaxiibo ay ku ahaayeen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana hadda dhow inuu waayo Axmed Ducaale Geele xaaf, iyadoo kadib madasha ay ku noqon doonaan isaga iyo C/Welli Gaas.

Wuxuu soo jeediyay in lagu dhaqmaa dastuurka iyo xeerarka lagu heshiiyay ay horseedi karto isfaham dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com