Axmed Madoobe oo amar culus kasoo saaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada Jubaland ayaa soo saaray amar culus.

Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo lagu amray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada hay’adaha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado shaqaalaysiinta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka kubarakay gudaha deegaanada Jubaland iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay deegaanada Jubaland.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan.