AXMED MADOOBE oo is-diiwaan geliyey fariina u diray musharaxiinta Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday Shahaadada isdiiwaan gelinta Musharraxnimada Madaxweynaha maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee looga baahnaa doorashada Jubbaland.

Wuxuu ka dalbaday Musharraxiinta kale inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in isaga iyo Musharraxiinta kale ay u siman yihiin guddiga doorashada, loona baahan yahay inay is dajiyaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan ayaa  la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socoto ee Augusto, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay haatan ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com