Axmed Madoobe oo maanta kasoo baxay ballantii uu horey ula galay Lafta Gareen

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhabeeyey ballantii ay isla galeen isaga madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), taas oo la xiriirta kala bedashada laba kursi oo kala taalla Kismaayo iyo Baydhabo.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabtay Kismaayo waxaa mid ka mid ah lagu doortay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, wuxuuna kusoo baxay kursiga HOP 126 oo uu horey ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.