Axmed Madoobe: Shaqadii DF waxay ku soo ururtay halkee dhisan oon duminaa

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo hoggaaminayey xubno ka tirsan maamulkiisa oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweyey garoonka Kismaayo, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Intii uu ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland Niarobi wuxuu kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020-ka, khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda iyo arrimo kale.

Sidoo kale wuxuu la kulmay siyaasiyiin caan oo ay ka mid yihiin madxaweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galleed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxibo ku yihiin siyaasadda.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ku fashilantay isku wadida siyaasadda dalka, isagoona intaasi ku daray in cadaadis iyo cunaqabateyn ay isugu dartay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland.

Mar uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo ayu sheegay in dowladda Federaalka ay ka wado howlo lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada, isgoo sheegay inay wax natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka, sida uu yiri.

Axmed Mdooba ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay shaqadeedii oo dhan kusoo uruurisey “halkee dhisan oo aan duminaa” ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin.

Dib u soo laabashadiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo halkiisa yahay khilaafka dowladda iyo Jubbaland, waxaana haatan Muqdisho ka socda kulamo u dhexeeya madaxda dalka iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Gedo.

Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxa ay Jubbaland wajaheysay khilaaf ka dhashay doorashooyinkii maamulkaasi, kadib markii ay ka hortimid dowladda dhexe oo marar badan xayiraad ku soo rogtay magaalada Kismaayo.