A/Madoobe oo wacad ku maray inuusan ka tanaasuli doonin arrin ay dalbatay DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo alabaabada u xirnaa ayaa Xalay wuxuu Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ku dhex maray Axmed Madoobe, Fahad Yaasiin iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka oo ahaa mid aad u kulul ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa markii hore si gaar ah u bilaabay Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, inkastoo markii dambe lagama maarmaan ay noqotay in lagu soo daro Xasan Cali Kheyre

Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ugu horeynba shuruud adag uga dhigay inaysan faragelin ku sameyn doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan dhici doonto.

Fahad iyo Kheyre ayaa dhawr jeer ka dalbaday Axmed Madoobe inuu doorashada ka dhigo mid fur furan oo madax banaan isla markaasna ay goob joog ka ahaato Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Axmed oo ah nin aad u adag ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin damaciisa ku aadan inuu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo ee Jubbaland.

labada dhinac ayaa  isku raacay  in Axmed Madoobe loo madax banaaneyno doorashada ka dhici doonto  Jubbaland  inkastoo ay mar kasta wax is badali karaan.

Tan iyo markii ay dhacday Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed oo ay hareereysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey taas keentay inuu Axmed Madoobe xirto difaac adag oo uu ku doonayo inaysan doorashada Jubbaland noqon sida middii Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha ugu adag madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna isticmaalaa awood ciidan isagoo dhawr jeer garoonka Diyaaradaha kasoo celiyey qaarna ku xiray shakhsiyaad ay dowladda u magacowday xilal Ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan u gashay doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxayna ku guuleysatay mid kamid ah oo ah Koonfur Galbeed halka midda kale looga adkaaday, waxayna hadda loolan adag ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd  Jubbaland.

Madaxda hadda hayo talada Soomaaliya ayaa doonayo inay mar labaad u tartamaan Doorashada Koonfur Galbeed waxayna fursad fiican u arkaan inay Maamulada Dalka madax uga dhigaan shakhsiyaad ku shaqeynayo fikradooda.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com