Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay si ku tallo gal ah uga gaabisay is garabtaaga Somalia.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inaanu jirin garab muuqda oo ilaa iyo hadda laga helay Beesha Caalamka markii laga soo tago ballanqaad aan fulin laheyn.
Madoobe, waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka aysan wali cadeyn mowqifkeeda ku aadan garab istaaga DFS si looga gudbo abaarta.
Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka ay u soo gurman doonto dadka Soomaaliyeed marka ay abaarta ku baaba’aan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in beesha Caalamka aysan waxba u qaban Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna riwaayad ku sheegay ballanqaadyada aan fulinta laheyn.
Sidoo kale, Axmed Madoobe, waxa uu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay la imaadaan isbedel lagu muujinaayo iskaashigooda, maadaama Beesha Caalamku ay u shaqeyneyso qaab dadban.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili dhowr dowladood oo ka tirsan reer Galbeedka ay Somalia u ballanqaaden dhaqaale xoogan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

