Muxuu Dr. Baadiyow ka yiri arrinta CC Shakuur ee muranka badan dhalisay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow oo horey isugu soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dr. Baadiyow ayaa ku taliyey inaysan habooneyn wax fiicanna aheyn in la gaaleysiiyo qof muslim ah, isla markaasna aysan koox gaar ah is xijin diinta Islaamka.

“Ma haboona, saxna maahan in Diinta Islaamka oo dadka Soomaaliyeed wada rumeysan yihiin shakhsiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan” ayuu yiri .

Dr. Baadiyow ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay la dhibaatoonayaan khilaafyo siyaasadeed lagana fiican yahay in hadda la geliyo mid diimeed.

“Gaaleysiinta qofka Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka, Soomaaliya hadda waxay la rafaneysaa Khilaafyo siyaasadeed waana laga fiican yahay in la buunbuuniyo khilaaf diineed’ Ayuu sii raaciyey.

Dr-ka ayaa ugu baaqay dadka wado gaaleysiinta iyo khilaaf diineedka inay iska joojiyaan oo ay alle uga cabsadaan.

“Waxaan leeyahay dadka arrintaan wado Alle ka cabsada oo joojiya fadinada” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Dr. Baadiyow u magacowday Guddomiyaha Gudiga dib u heshiinta Beelaha Galmuduga.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook:

Sax ma aha, mana haboona in diinta Islaamka oo dadka Somaaliyeed wada rumeysanyihiin shakhiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan. Khilaaf siyaasadeed dal la daala-dhacayaa in khilaaf diineed la buunbuuniyo waqtigaan wax la qaadan karo ma aha. Gaaleysiinta ruuxa Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka. Waxaan xasuusinayaa dhamaan inta arinkaan ku ibtaleysan iney Ilaahey uga cabsadaan oo ay joojiyaan fitnada. Waxaan joognaa waqtigii aan mideyn laheyn aragtideyna iyo dareynkeyna si aan usoo ceshano dowladnimo u adeegta danta dalka iyo dadka.