Baaritaan lagu sameeyey xerooyinka Al-Shabaab ee dalka KENYA oo ay kasoo baxday natiijo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu baahiyay warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab aysan xerooyin ciidan ku laheyn gudaha xarumaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Cilmi baare ku caan baxay ka hadalka arrimaha maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegay in Kooxda aysan awood u laheyn inay sameystaan xerooyin qarsoodi ah oo ku dhexyaala Xerooyinka.

Cilmi baarahaasi oo lagu magacaabo Ben Rawlance una dhashay dalka Britain oo qoraalo ka sameeyay Xerooyinka ayaa sheegay in arrinta la xiriirta tuhunka in Al-shabaab ay xerooyinka ku dhex noolyihiin ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aan aheyn xaqiiq jirta.

Al-shabaab ayuu sheegay inay suuragal tahay in saacado un ay ku dhex dhuumaaleystaan gudaha xerooyinka balse ay arrin mala awaal ah tahay inay deegaano ku noqdaan xerooyinkaasi.

Wuxuu beeniyay inay Al-shabaab weeraradooda laga qorsheeyey Xerooyinka, isaga oo taasi ku micneeyay cabsida Kenya oo faraha ka baxday islamarkaana suuragalisay in wax waliba ay Al-shabaab dusha u saaran.

Nuqul kamid ah hadalkiis ayaa u qornaa “Alshabaab ma awoodaan inay Saldhig ka samaystaan gudaha Xerooyinka ku yaalla waqooyi bari Kenya, waayo dadka Deggan dhamaantooda waa is yaqaanaan suuragalna maaha inay degaan alshabaab”

Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa in dhowr bil uu ku dhex noolaa Xerada Dhadhaab waxa uu tilmaamay inay Al-shabaab awood yar ku leeyihiin Xeradda Dhadhaab, wixii intaa kasoo harana aysan jirin awood buuran oo la fara muuqi kara.

Qaxootiga ayuu sheegay in xiliyada qaar ay adeegsadaan balse taasi aysan ka turjumeynin in qaxootigaasi uu yahay mid aaminsan maleeshiyada.

Waxa uu xusay inay jiraan Qaxooti Milyoneero ah oo nolosha Qaxootiga ku barbar wada Ganacsi, wuxuuna ka digay inay Qaxootiga Soomaalida noqon karaan sida Qaxootiga Falastiiniyiinta oo muddo 60 sanno ah ku nool Xerooyin Qaxooti.

Dhanka kale, Dowlada Kenya iyo Dowladaha argagixisa la dirirka ayuu kaga digay in awoodooda ay ku tijaabiyaan qaxootiga iyaga oo baadi goobaaya Al-shabaab aan heebtooda la garaneynin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com