Baarlamaanka Puntland oo xasaanaddii kala noqday xildhibaan Dhoobo Daareed

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo kala noqday, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulkaasi.

Kulan ay xildhibaanadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee Caasimada gobolka Nugaal ayaa waxaa la horgeeyey mooshinka xasaanada looga xayuubiyey Dhoobo Daareed, kaas oo ay gudbiyeen 38 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland.

Illaa 40 xildhibaan ayaa kulanka goob joog ahaa, waxaana u codeeyey in xasaanada laga qaado mudanahaasi, 39 xildhibaan, halka uu ka aamusay guddoomiyaha golaha.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqday natiijada codeynta oo gacan taag aheyd, wuxuuna shaaciyey inuu ansax yahay go’aankaasi.

Mooshinkaan ayaa waxaa gadaal ka riixeysay xukuumadda Siciid Deni, sida ay Caasimada Online horay ugu xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sababta ugu weyn ee xasaanada loo gala laabtay, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa lagu sheegay inuu ka xadgudbay dastuurka iyo xuduudaha maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu wado dhismaha maamul cusub oo ka madax banaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday todobadii bishii hore ee November ayaa haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed.

Dhoobo Daareed ayaa heysta taageerada shacab badan oo ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo si diiran ugu soo dhoweeyey gobolladaasi, kadib markii uu isaga tagay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal