Ban Ki Moon oo dagaalkii Halgan ku tilmaamay inuu ahaa mid…

Muqdisho (Caasimada Online)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee Khamiistii Alshabaab ku qaadeen deegaanka halgan ee gobolka Hiiraan kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Ban Ki Moon ayaa cambaareeyay weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaankaasi oo khasaaro xoogan geystay, wuxuuna ku tilmaamay mid aan joojin doonin dadaalada nabadeed ee ka socdo Soomaaliya.

Wuxuu soo jeediyay in lasii labo jibaaro weerarada ka dhanka ah Alshabaab si looga guuleysto, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM laga doonayo iney weeraran xarumaha Alshabaab iska soo abaabulaan.

Ban Ki Moon ayaa soo jeediyay in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo sidoo kale sheegay iney dhankooda taageeri doonaan howlgalka ka socdo Soomaaliya.

Khamiistii ayaa Alshabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM deegaanka Halgan, waxaana ay ku hanjabeen iney soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com