BAN KI MOON oo diyaarado dagaal u dalbay DF Somalia, Sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Sida ay qortay  wakaalada AP,xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon, ayaa ka digay in Somalia ay ku wajahan tahay dowlad fashil ah,  waxaana uu ka dalbaday dhamaan caalamka in ay diyaradahooda Qumaatiga u kaca ee Helkobtariska iyo kuwa ciidamada qaada ay ku biiriyaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabab.

Hadalkaan ayaa waxa uu Mr Ban ka horsheegay golaha ammanka ee QM, waxaana uu shegay in kooxda Argagexisada ee xirirka la leh ee al-qaeda oo uu u la jeeday dagalamayaasha Al-shabab ay wadaan inay wiiqaan dadaalada lagu doonayo in lagu nabadeeyo Somalia iyagoona uu ku eedeyen carqaladeen amaanka  Muqdisho.

Ban Ki Mun ayaa ugu baaqay xubnaha QM in ay ciidamada midowga afrika kaga sugan Soomaaliya ee ku howlgalaya magaca Howlgalka AMISOM in lagu taagero diyaaradaha dagaalka nooca Qumaatiga u kaca iyo kuwa ciidamada qaada si ay u xoojiyaan dagaalka lagu doonayo in Somalia looga sifeeyo xarakada Al-shabab.

Hadalka xoghayaha guud ee QM ban ayaa imaanaysa Xilli ay ururka  Al-shabab ay sheegen weerar gaadma ah ay ku qaadeen gawaaridi uu la socday madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dagaal waxay kula jiraan ciidamada dowlada Soomalaiya iyo kuwa kaabaya eee AMISOM , waxaana jira Khilaaf xoogan oo ururkaas ka dhexjira xilligan Kaas oo sababay inay isku qabtaan hanka hogaanka uururkaas .

Abuu Mansuur Am-amriki oo ahaa dagaal yahay Ajnabi ah kana mid ahaa Shabaab ayaa si cad u sheegay inuu ka baxay Al-shabaab iyo Al-qaacida , waxaana uu sheegay in uu iminka naftiisa kala baqanayo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com