Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay bandow guud oo laga hirgelinayo dhammaan magaalooyinka waaweyn ee deegaannada maamulkaas.
Bandowgan ayaa bilaabanaya caawa oo Khamiis ah kuna eg habeen dambe, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga inta lagu jiro diyaar-garowga doorashada qof iyo cod.
Bandowgan ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha amni ee ay wadaan hay’adaha ammaanka Galmudug, xilli maamulka uu isu diyaarinayo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo la filayo inay maalmaha soo socda ka dhacdo deegaannada maamulka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo jawi amni oo suurtageliya qabsoomidda doorashada.
Taliyaha qeybta booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa si rasmi ah u shaaciyay amarka bandowga. Wuxuu sheegay in dhaqan-galkiisu uu bilaabanayo caawa, isagoo shacabka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan awaamiirta ciidamada amniga.
Taliyaha ayaa caddeeyay in muddada bandowga la xaddidayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, si looga hortago wax kasta oo halis gelin kara amniga ama carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada. Wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay si dhow ula socon doonaan fulinta amarkan.
Si kastaba, waxaa jira adeegyo iyo hay’ado laga reebay bandowga. Kuwaas waxaa ka mid ah gaadiidka laamaha amniga, gaadiidka Guddiga Doorashooyinka, hawl-wadeennada doorashada iyo warbaahinta, si ay u gutaan waajibaadkooda inta lagu jiro howlaha doorashada.
“Ujeeddada bandowgu ma aha in shacabka la dhibaateeyo, balse waa in la sugo nabadgelyadooda iyo tan doorashada taariikhiga ah ee nagu soo fool leh. Waxaan ka codsaneynaa muwaadiniinta inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Galmudug.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayay iyagoo si weyn loogu daadiyay waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Cadaado, halkaas oo ay ka wadaan howlgallo lagu adkeynayo amniga iyo dhaqan-gelinta amarka bandowga.
Doorashada qof iyo cod ee Galmudug ayaa lagu wadaa in lagu soo doorto xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamulka, waxaana loo arkaa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu muhiimsan ee maamulka uu ku hirgelinayo nidaamka doorashooyinka tooska ah.
Go’aanka maamulka Galmudug ee ku aaddan bandowga ayaa imanaya xilli indhaha lagu hayo sida ay u qabsoomi doonto doorashadan iyo heerka amni ee deegaannada maamulka. Mas’uuliyiinta ayaa muujiyay rajo ah in tallaabooyinka la qaaday ay gacan ka geysan doonaan qabsoomidda doorasho nabdoon oo hufan.

