Bankiga Dhexe ee dalka oo saddex qodob kasoo saaray isticmaalka 50-ka dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray walaaca ay ganacsatada iyo bankiyada dalka ka muujiyeen qaadashada kontonka dollar ee Mareykanka ($50).

Bartamihii bishii hore ee February ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in suuqyada dalka la soo geliyay konton dollar oo been abuur ah, islamarkaana aanay qaban karin mashiinada lacagta. Ganacsatada iyo shirkadaha xawaaladaha ayaana iska diiday in ay qaataan nooc kasta oo ka mid ah kontonka dollar.

Warka ka soo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inaysan jirin sabab ay shacabka uga walaacaan isticmaalka kontonka dollar.

Halkan ka akhriso qoraalka Bankiga Dhexe

Sida la wada ogyahay isticmaalka lacagta Doolarka (USD) waxay door weyn ka qaadataa dhaqaalaha dalka. Waayadan danbe waxaa jiray warar sheegaya in bankiyada ganacsiga iyo xawaaladaha qaarkood ay joojiyeen isticmaalka lacagta 50ka Doolar gebi ahaanba. Arrintan oo ka dhalatay warar aan sugnayn oo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey inay suuqyada lacagta soo galeen lacago been-abuur ah oo konton-konton doolar ah (50 dollar notes).

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira xasilloonida hab-maaliyadeedka dalka, wuxuu baaritaan qoto dheer ku sameeyey xogta la xiriirta lacagaas been abuurka ah ee la sheegay, isagoo xiriir la sameeyay Bankiyada gaarka loo leeyahay iyo xawaaladaha ka hawlgala dalka oo dhan.

Baaritaan ka dib, Bankiga Dhexe wuxuu maanta shir arrintan ku saabsan la yeeshay ururrada iyo madaxda bankiyada iyo xawaaladaha, waxaanna ka soo baxay qodobadan:

  1. Bankiga Dhexe wuxuu ku wargelineynaa dhamaan shacabka Soomaliyeed in aysan jirin sabab gaar ah oo    looga walaaco isticmaalka 50ka doolar iyo qeybaha kale ee lacagta doolarka toona.
  2. Bankiga Dhexe wuxuu farayaa dhamaan Bankiyadda, Xawaaladaha iyo Ganacsata kaleba in ay socodsiiyaan isticmaalka 50ka Doolar, si la mid ah lacagaha kale ee doolarka.
  3. Ugu dameyn, Bankiga Dhexe ku adkaynayaa xawaaladaha iyo bankiyada ganacsiga inay mar walba ka feejignaadaan iskuday kasta oo ku aaddan been-abuurka lacageed, nooca ay doonto ha’ahaatee. Ciddii qabata lacag been-abuur ah waa inay warbixin degdeg ah usoo gudbiso Bankiga Dhexe, si hay’adaha fulintu waajibaadkooda uga gutaan.

Wixii faah-faahin dheeraad ah waxaa lagala soo xiriiri karaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Dhamaad