Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo uu soo bandhigay Bankiga Adduunka ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah sheegashooyin uu dhawaan jeediyay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo la xiriiray xaaladda dhaqaalaha dalka iyo sida dowladda u maareysay maalgelinta mashaariicda horumarinta.
Bankiga Adduunka ayaa sheegay in heerka lacag-bixinta mashaariicda Soomaaliya uu gaaray 29.4% sanad-maaliyadeedka 2026, halka uu ahaa ku dhowaad 24% sanadkii 2025.
Bankiga ayaa sidoo kale sheegay in heerkan uu Soomaaliya ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu sarreeya Bariga iyo Koonfurta Afrika marka la eego sida lacagaha loogu sii daayo mashaariicda horumarineed ee socda.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqotay dood siyaasadeed oo ka dhalatay hadallo uu dhowaan Kheyre ka jeediyay xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in in ka badan 500 milyan oo dollar oo loogu talagalay horumarinta Soomaaliya aan la isticmaalin sanadihii 2024 iyo 2025, isaga oo arrintaas ku xiriiriyay waxa uu ku tilmaamay “maamul-xumo iyo musuq-maasuq”.
Kheyre ayaa sheegay in 73% lacag ka badan 330 milyan oo dollar oo la qoondeeyay 2024 aan la isticmaalin, halka 70% lacag ka badan 407 milyan oo dollar oo la heli karay 2025 ay sidoo kale harsanayd.
Jawaabta Bankiga Adduunka
Hase yeeshee, Bankiga Adduunka, oo ka jawaabay fal-celin ay arrintan ka weydiisay warbaahinta Dawan Media, ayaa sharaxaad ka duwan taas bixiyay, isaga oo caddeeyay in lacagaha aan weli laga bixin mashaariicda socda aysan si toos ah uga dhignayn lacago lumay ama si xun loo maareeyay.
Mashaariicda horumarinta badankood ayaa soconaya dhowr sano, waxaana lacagaha loo sii daayaa marxalado kala duwan iyadoo lagu saleynayo halka uu marayo mashruuca, qandaraasyada la fuliyay iyo jadwalka shaqooyinka loo qorsheeyay.
Sidaas darteed, lacag mashruuc loo ansixiyay sanad gaar ah khasab ma aha in dhammaanteed isla sanadkaas la isticmaalo.
Bankiga ayaa sidoo kale tilmaamay in habka uu u xisaabiyo heerka lacag-bixinta uu ka duwan yahay qaabka uu Kheyre u adeegsaday dooddiisa.
Heerka Bankiga Adduunka wuxuu cabbirayaa inta lacag ah ee sanadkii laga bixiyay dhammaan lacagaha ka harsan mashaariicda socda, halkii laga qaadan lahaa in lacag kasta oo sanad gaar ah la ansixiyay ay tahay in isla sanadkaas gebi ahaanba la kharash gareeyo.
Bankiga ayaan sidoo kale xaqiijiyey in lacagaha aan weli la bixin aysan caddeyn u aheyn musuq-maasuq ama fashil maamul.
Jawaabta Dowladda Federaalka
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Beenebeene, ayaa Sabtidii xogta Bankiga Adduunka u adeegsaday inuu ku taageero jawaabtii dowladda ee hadallada Kheyre.
“Xogta Bankiga Adduunka waxay xoojinaysaa wixii aan horay uga sheegay sheegashooyinka ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre,” ayuu Beenebeene ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa X.
Wasiirka ayaa tilmaamay kororka heerka lacag-bixinta ee 24% ilaa 29.4%, isaga oo sheegay in lacagaha aan weli la bixin aysan la macno ahayn in la lunsaday ama dowladda ay ku fashilantay maareyntooda.
“Doodda dhaqaalaha waa inay ku dhisnaataa xaqiiqooyin, ee ma aha fasiraado siyaasadeed,” ayuu yiri.
Xogta Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale ka hor imaanaysa sheegasho kale oo Kheyre uu ka sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ahayd in dhaqaaluhu 3% hoos u dhacay sanadkii 2025.
Warbixinta Bankiga ayaa taa beddelkeeda muujisay in dhaqaalaha Soomaaliya uu dhab ahaantii kobcay 3% sanadkii 2025, inkastoo kobacaasi uu ka hooseeyay 4.1% oo la diiwaangeliyay sanadkii 2024.
Farqigaasi wuxuu ka dhigan yahay in kobaca dhaqaalaha uu gaabisay, balse uusan dhaqaaluhu hoos u dhicin ama yaraannin, sida uu Kheyre sheegay.
Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in amaahda la siiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ay sii korodhay sanadkii 2025, inkastoo kororkeedu gaabis ahaa, taas oo iyaduna ka duwan sawirkii Kheyre ka bixiyay xaaladda amaahda dalka.
Si kastaba, warbixintu waxay taageertay qaar ka mid ah walaacyada laga muujiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan cunno-yarida sii xumaaneysa, hoos u dhaca gargaarka dibadda, saameynta cimilada iyo caqabadaha amni ee weli culayska saaraya dhaqaalaha dalka.

