29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Bare Hiiraale oo u goodiyay odayaasha saaxiib dhow la ah AXMED MADOOBE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo kamid ah garabka Mucaaradka Maamulka KMG Jubba, ayaa sheegay in shaqsi ahaan uusan aaminsaneyn Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba.

Barre ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Shirka ay wadaan Odayaasha taageersan Axmed Madoobe ee ka socda Deegaanka Doolow, waxa uuna sheegay in Natiijada kasoo baxda Shirkaasi uusan aqbali doonin.

Korneelka, ayaa ku goodiyay in Odayaasha ku shiraaya Doolow ay ku xisaabin doonaan Ciidamada Raaskambooni ee dilalka iyo dhibaatada ku heysa dadka degan Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Odayaasha halkaasi tagay ay la mid yihiin kuwo dadkooda iyo dalkooda cadow Kenya u gacan geliyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Barre ayaa carabaabay in Odayaasha loo qaadi doono Kismaayo, islamarkaana markii halkaasi la geeyo laga bixi doono balamo dhowr ah oo looga qaaday Doolow.

Dhinaca kale, Col. Barre Hiiraaye, ayaa soo hadal qaaday in Hogaamiyaha MKG Jubba uu si cad uga weecday Heshiisyadii ay garwadeenka ka ahaayen DF Somalia iyo IGAD, kaasi oo ay ku wada gaareen Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Shirka Axmed Madoobe iyo Odayaasha, ayuu ku sheegay mid lagu sii xoojinaayo hirgalinta maslaxada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News