“Dowladdu yeysan nagu indha sarcaadin Xamar”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil, oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia ayaa si adag uga hadlay fashilka DFS ka heysta xaqiijinta amaanka goobaha muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in DF gaar ahaan Hay’adaha amaanka ay isha ka daawanayaan falalka amni darro ee ka jira magaalada Muqdisho waxa uuna carabka ku dhuftay in arrintaasi ay muujineyso fashilka Dowlada ka heysta amaanka.

Waxa uu tilmaamay in xaqiijinta amaanka aysan aheyn in goob waliba la hor dhoobo dhagxaan amaba biro, waxa uuna taasi ku sheegay mid kamid ah Fashilada heysta Dowlada iminka jirta ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Isagoo la hadlaayay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayuu yiri “Dowladdaan joogta iyo hay’adaheeda amniga wey fashilmeen 100%, qofkii talo qaadanaya ayaa wax loo sheegayaa, cid wax kaa dhageysanaysa malahan nin walba isagaa isla cad oo cirkaa maraya, kaad tiraahdo war waxaas baa qaldan ee wadadaan wanaagga ama amniga haloo maro waxaa la oranayaa hebel waa mucaarad oo dowladda ayuu diidan yahay, war tilmaantii qarannimada mucaarad laguma noqdo, dalkaan waxaad moodaa inaan la rabinba qof aqoon leh ama siyaasadda aqoonta u leh, ama wax wanaagsan hagaya dalkaan lagama rabo” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa Dowladda Somaliya, wuxuu ku eedeeyay inay fashilantay, sidoo kalena laamaha ammaanka ay fashilmeen, maadaama wax badan ay ka qaban waayeen ammaanka dalka.

Ciidanka Nabad Suggida ayuu tilmaamay inay ku filan yihiin ammaanka Muqdisho, hadii Sirdoonka Dowlada ay dhex galaan Bulshada si loo ogaado waxa Bulshada ka dhex socda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inaysan suuragal aheyn in Ciidamo aan loo dhameystirin mushaarkooda ay sugaan amaanka waxa uuna farta ku goday in Hay’adaha amaanka looga baahan yahay inay dhameystiraan xuquuqdooda Ciidamada ee loogu soo dhiibo, si amaanka ay u xoojiyaan.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor ay Maleeshiyada Al-shabaab weerar xoogan ku qaaden Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay Dowladu ku weysay xubno farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com