Beeshii uu Abu Mansuur Al-Amriiki yiri “Inuu ka tirsan yahay” oo jawaabtay

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah Nabadoonada kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Milifle ayaa Si cad waxay uga soo hor yimaadeen haal dhawaan kasoo yeeray Abuu Mansuur Am-Amriki kaas oo ku aadan inuu ka mid yahay beelaha Digil iyo Milifle.]

Malaaq Cali C/raxmaan oo ah afhayeenka beelaha digil ayaa  si kulul Uga Hadlay hadalkan kasoo yeeray Al-Amriiki ee ku aadan ka mid ahaanshiyaha  Beelaha Digil Iyo Mirifle Ee Daga Gobolada Koonfur galbeed Ee Somalia, Waxaana uu shegay in arintaas ay tahay mid aan la aqbali karin .

Wuxuu tilmaamay in Al-Amriki uu dalka ka galay waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in uu xilligaan sheegto inuu ka mid yahay Beelaha Dega Gobolada Koonfur galbeed Soomaliya, Gaar ahaan Beelaha Digil iyo Milifle.

Malaaqu wuxuu sheegay Hadalkan kasoo yeeray Al-Amriki inuu yahay mid uu ku doonayo inuu cafis kaga helo Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu dambe badan ka galay , Waxaana malaaqa uu hadalkiisa intaasi ku daray in hadalkaas kasoo baxay ay aad uga xunyihiin ayna cambaareynayaan .

“Anigoo Ku hadlaya Magaca Digil iyo Mirifle wax Aan Aqbali doono Maahan In Nin Aduunka Oo Dhan Uu Doon Doonayo Nasheegto Dowladaha Caalamiga ahna Waxaan U shegaynaa In Uu san naga mid aheyn’’Sidaa Waxaa YiriMalaaq Cali C/raxmaan .

Dhawaan ayuu wareysi uu siiyay VOA-da qeyb teeda afka Soomaaliga wuxuu ku sheegay inuu ka mid yahay Digil iyo Milifle kana baxay Shabaab iyo Al-qaacida , inkastoo hadalkaas ay ka biyo diidan yihiin waxgaradka gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com