Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinaayo wadooyinka lagu gaari lahaa Matalaadda Aqalka sare ee Baarlamaanka ku yeelaneyso magaalada Muqdisho.
Kulamadaani ayaa u dhexeeya Odayaasha Hawiye oo wali ku doodaaya in Dowlada Somalia ay qudheeda ka caga jiideyso in la meel-mariyo xuquuqda Gobolka Banaadir.
Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo kamid ahaa Odayaasha ku howlan kulamada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in Gobolada dalka ay culeysyada Siyaasadeed ka dul-qaadan Gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in Muqdisho oo heshaa maqaamkeeda micnuhu ay ka dhigan tahay in Somalia ay gaartay wakhti wax isku ogolaasho Bulshada dhexdeeda ah.
Waxa uu sheegay in dadka Muqdisho ku nool aysan u dulqaadan doonin in gorgortan laga galiyo xuquuqdooda waxa uuna ballanqaaday in arrintaani aysan ka seexan doonin.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa isna sheegay in qadiyada magaalada Muqdisho ay ka weyn tahay in gorgortan laga galo waxa uuna cadeeyay in dhowr jeer ay Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka u sheegen mowqifkooda.
Xaad ayaa madaxda ugu sareysa dalka ku booriyay in masiirka Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ka joojiyaan rajo beelka iyo wakhti dhumiska.
Dhanka kale, Odayaashaani ku adkeysanaaya Mowqifka Gobolka Banaadir ayaa cod dheer ku sheegay in tanaasulkooda uu imaan doono maalinta Gobolka Banaadir uu kasoo dhex muuqdo Aqalka Sare ee dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

