Beelo Shabaab ugu deeqay carruur iyo dhaqaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan maalmo socon doono uga furmay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Odayaasha Beelaha dega Gobolkaasi.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Hogaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab gobolka shabeelaha Hoose, Nabadoono, Ganacsato, Aqoonyahaano iyo Dhalinyaro kaasi oo la sheegay in looga arrinsanaayo sida ay u wada shaqeyn lahaayen maleeshiyada iyo Beelaha halkaasi wada dega.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid sanadle ah oo Odayaasha Beelaha Gobolka Shabeelaha Hoose ay u qabtaan Al-shabaab, waxaana la soo warinayaan in Odayaasha ka qeybgalay shirkaasi ay maleeshiyada ugu deeqeen carruur la sheegay inay ka qeybqaadan doonaan dagaalada ay Kooxda ku hagardaamineyso Umadda Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa sidoo kale maleeshiyada u ballanqaaday inay bixinayaan dhaqaale aan la cayimin, waxa ayna sidoo kale wacad ku mareen in Kooxda ay kala shaqeynayaan ciribtirka ciidamada AMISOM ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose.

Horjoogayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf oo katirsan Mas’uuliyiita maleeshiyada ayaa sheegay in kaalint qabaa’illada ee Jihaadka Somalia ay tahay mid muuqata balse waxa uu Odayaasha kula dardaarmay inay laba jibaaran u hiilinta Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Fu’aad Max’med waxa uu Odayaasha uga mahad celiyay sida ay isku barbar taageen maleeshiyada islamarkaana ay u ballanqaaden bixinta dhaqaalaha iyo carruurtooda.

Haddalka Sheekh Fu’aad Max’med iyo kulanka ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada ay khilaafka ka dhextaagan ku waayen Dagaalyahaano badan oo qaarkood ku biiray DFS, halka qaarna ay ku biireen Daacishta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com