Beesha caalamka oo fariin u dirtay xildhibaanada berri dooranaya madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saaxafadeed ka soo baxay beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa fariin dardaaran ah u diray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo berri dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay damiirkooda kaashadaan oo waajibkooda dastuuriga ah ay u gutaan, si madax-banaan.

“Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale wakiillada beesha caalamka ayaa xildhibaanada ugu baaqday inay codkooda siiyaan musharax samata-bixi kara Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wakiillada soo saaray qoraalkaan ayaa Soomaaliya u kala jooga dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.