Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Xasan, mid ku amaantay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee xalay la dooray Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku amaantay sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu u aqbalay natiijadii doorashada.

“Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa loogu mahadceliyey guddoonada baarlamaanka Soomaaliya, howlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee doorashadii Madaxweynaha, ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo ATMIS, kuwaas oo hirgeliyey “qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.”

“Anagoo ah saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, waxaan weli ku taaganahay ballan-qaadkeena aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortebinta u leh Madaxweynaha cusub, si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka beesha caalamka.

Waxaa qoraalkaan wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.