Beesha Sacad oo go’aano adag oo saartay shirkii ay ku qabatay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimadda Online)-  Shirkii Beesha Sacad uga socday magaalada Galkacyo bisha Juul;ay 10-14 keedii ayaa waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed rasmi ah. Waramurtiyeedka oo meelo badan taabanayay ayaa beesha Sacad waxa ay ku cadeeysay mowqifkeeda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Beesha Sacad ayaa iclaamisay kuna baaqaday in shirka dib u heshiisiinta reer Galmudug uu ka dhaco magaalada Galkacyo. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dowlada Fedaraalka ay faraha kala baxdo arimaha Galmudug loona dhaafo reer Galmudug in ay xalistaan arimahooda u gaar ah.

Beesha waxa ay si dahsoon oo farsamaysan ku sheegtay in ayan marnaba taageeraynin in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto. Waxa ay sheegeen in ay waafaqsan tahay sharuucda ku qoran dastuurka Galmudug kaas oo ah in doorashada Galmudug ay ka dhici karto oo kali ah Magaalada Cadaado.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirweynaha ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah ah:-

(1). Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir.

(2). Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018.

(3). Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay.

Qodobada laga soo saaray shirkaan ayaa caddeyn u ah sida Ra’iisul Wasaaraha ugu guuldareystay qorshihiisa Safarkii Koofurta Gaalkacyo, marka loo eego howlihii uu u yimid deegaanada Galmudug oo qeyb ka mid ah ku guuleystay, balse caqabad hor leh uu hada soo if baxay oo la xiriira habka la doonayo in loo bilaabo dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Halkaan hoose ka akhriso Qodobada kasoo baxay

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo