Baarlamaanka oo wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza u qabtay 48 saac + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka u qabtay muddo 48 saacadood ah kadib khilaaf ka dhashay xogta xubnaha loo xulay Golaha Hagista Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ayaa wasiirka ka dalbaday inuu muddadaas ku soo gudbiyo dukumentiyada xubnaha golaha, si loo xaqiijiyo in magacaabistooda loo maray habraacyada sharciga.

Dukumentiyada la doonayo waxaa ka mid ah aqoonsiyada xubnaha, shahaadooyinka waxbarashada, warqadaha dembi-la’aanta, taariikh-nololeedyada iyo caddeymaha asluub-wanaagga ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Qaranka.

Arrintan ayaa daba socota jawaab uu wasiirku ka bixiyay codsi hore oo guddigu ku dalbaday xogta xubnaha la xushay. Wasiirka ayaa dhankiisa ku dooday in helitaanka macluumaadka shakhsiga ah ee xubnaha uu magacaabay aanu ku jirin waajibaadka guddiga.

Hase yeeshee waxaa ka horyimid guddiga, oo ku adkaystay in baarlamaanku awood sharci u leeyahay inuu xogtan dalbado. Guddigu wuxuu arrinta ku saleeyay qodobka 95-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya awoodda labada gole ee Baarlamaanka u leeyihiin korjoogteynta iyo baaritaanka hay’adaha dowladda.

Dooddiisa sharciyeed ayuu guddigu ku xoojiyay qodobka 59-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kaas oo u oggolaanaya guddiyada Baarlamaanka inay dowladda iyo hay’adaha kale ka dalbadaan xogta iyo warbixinnada ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda.

Xogta xubnaha ayaa si gaar ah loogu doonayaa in lagu hubiyo waafaqsanaanta sharciga tirsigiisu yahay LR.32, kaas oo la soo saaray 24-kii December 2024, laguna aasaasay SARIS. Guddigu wuxuu doonayaa inuu xaqiijiyo in la buuxiyay shuruudaha xubinnimada Golaha Hagista ee ku xusan qodobka 7-aad ee sharcigaas.

Hay’adda SARIS waxay qaabilsan tahay sharciyeynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed. Sida uu guddigu sheegay, hay’addu maamul ahaan way ka madax-bannaan tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, inkasta oo ay siyaasad ahaan hoos timaaddo wasaaradda.

- Advertisement -

Read more

Local News