BF oo meel-mariyay sharci muddo la diidanaa + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax xumada, kaas oo ay golaha horgeysay wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Sharcigan oo muddo dheer la diidanaa ayaa ugu dambeyn waxaa ogolaaday 132 xildhibaan, waxaa diiday saddex mudane, halka ay ka aamuseen 5 kale, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Inta lagu guda jiray ka doodista sharcigan ayaa la marsiiyay dhammaan habraacyada ansixinta hindise sharciyeedyada ee qodobka 98-aad, sida lagu xusay warbixinta.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda qoyska iyo horumarinta xquuqul Insaanka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa u mahadcelisay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-Xumada. Khadiija ayaa xustay in hindise sharciyeedkani uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana muddo dheer horyaallay Golaha Shacabka, iyadoo bogaadisay sida hufan ee Xildhibaannadu u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo ku hadlaysay magaca Wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ee dhibbanayaasha u ah tacaddiyada galmada, ayaa sheegtay in ansixinta hindise sharciyeedkani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta karaamada aadanaha, badqabka bulshada iyo xuquuqda dhibbanayaasha. Waxay tilmaantay in tallaabadani ay muhiim u tahay xoojinta helitaanka caddaaladda iyo ilaalinta haweenka, carruurta iyo dadka kale ee nugul.

Waxaa kale oo ay u mahadcelisay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka ee Golaha Shacabka, culimada Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay talooyinka, doodaha iyo dib-u-eegista hindise sharciyeedka. Waxay xustay in wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta shuruucda ilaalinaya xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nidaamka caddaaladda dalka.

Ugu dambayn, Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in dadaallada sharci-dejinta lagu xoojiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, la taageero dhibbanayaasha, lana abuuro bulsho ku dhisan caddaalad, karaamo iyo isla xisaabtan. Waxay muujisay in Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanku ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta shuruucda lagu xaqiijinayo badqabka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed

- Advertisement -

Read more

Local News