Maxamed Bin Salmaan oo ku baraarugay xaqiiq uusan fileyn – Mareykanka oo ka baxay garabkiisa (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) – Bilo kadib markii weerar gantaalo iyo drone ah, oo loo maleynayo inay fulisay Iran, lagu qaaday xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga, dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, oo ah inuu diblomaasiyad u adeegsado qaboojinta xiisadaha kala dhaxeeya cadowgiisa, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa billaabay inuu wada-hadallo toos ah la galo mucaaradka uu kula dagaalamayey Yemen afar sano, taasi oo horseedday in weeraradii labada dhinac ay yaraadaan.

Waxa uu muujiyey astaamo ku qafiifinayo, haddiiba uusan kusoo geba-gebeeneyn, xanibaadda isaga iyo xulfaadiisa ay saareen dalka yar balse qaniga ah ee Qatar.

Waxa uu wada-hadallo aan toos ahayn la furay cadowgiisa kowaad ee Iran, si uu u baabi’iyo daruuraha dagaaleed ee ka dul muuqda gobolka.

Waxa sababaya is-beddelkan ah kasoo wareegista iska hor-imaadka iyo u weecashada diblomaasiyadda, ayay taxliiliyayaasha siyaasadda, sheegayaan inay tahay in Bin Salman uu garowsaday in siyaasaddii qarniyo u degneyd Mareykanka ee ahayd  – Inuu difaaci doono haddii xarumaha saliidda Sacuudiga uu weerar uga yimaado xoogag dibedda ah – aanay hadda ahayn mid damaanad qaadan.

Inkasta oo Mareykanka iyo Sacuudigaba isku raaceen in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda ee Abqaiq iyo Khurais, ay ka dambaysay Iran, haddana jawaabtii madaxweyne Trump waxay noqotay un hanjabaad iyo hadallo kulul oo aan ficil wadan.

Jawaabtaas qabow ayaa Sacuudiga ku baraarujisay xaqiiq ah, in inkasta oo 170 bilyan oo dollar ay ku iibsadeen hub Mareykan ah tan iyo 1973-kii – Haddana aysan isku haleyn karin in Mareykanka usoo gurmado haddii lasoo weeraro, ugu yaraan noocii awoodeed ee ay filayeen.

Ayagaoo ka walaacsan inay ku qasbanaan doonaan in naftooda isku halleeyaan, haddii dagaal uu ku qarxo gobolka, ayaa sida ay leeyihiin fallanqeeyayaasha siyaasadeed, waxay Sacuudiyiinta billaabeen inay si hoose ula xiriiraan cadowgooda, si ay xiisadda u qaboojiyaan.

“Waxaan u malaynayaa in 14-ka September ay tahay daqiiqaddii bedeshay taariikhda khaliijka,” waxaa sidaas yiri David Roberts, oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer gobolka kana tirsan jaamacadda King’s College London

“Ayada oo umaleyntii ahayd in Mareykanka uu bad-baadin doono Sacuudiyiinta ay meesha ka baxday, waxay garowsadeen inay u baahan yihiin inay noqdaan kuwa dadka la-macaamili kara” ayuu yiri Roberts.

Waxaa taas kasii daran, in Sacuudiyiinta oo u haystay in Trump kaga wanaagsan yahay Obama, ay garowsadeen in labada madaxweyne ay isku aragti ka yihiin siyaasadda Bariga Dhexe, taasi oo ah inay gobolkaas faraha kala baxaan.

Inkasta oo kadib weerarkii uu Trump dhowr kun oo askari u diray Sacuudiga, si ay u ilaaliyaan goobaha saliidda, haddana taageeradii Sacuudiga ay ka filayeen Trump waa ay ka xooganeyd middaas.

Hadda, Maxamed Bin Salman wuu garowsaday inuusan Mareykanka isku haleyn karin, si uu isugu furo dagaal dhinacyo badan ah, waana taas sababta uu markii ugu horreysay ugu weecday diblomaasiyadda iyo inuu deriskiisa la heshiiyo.