Boosaaso oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo kadib markii ciidamada taageersan DF ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ay ka jirtto xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka qarxo dagaal culus oo dhex mara ciidamada PSF ee taageersan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 20 iyo ciidamo xooggan ay maanta u direen magaalada Boosaaso, halkaasi oo horay ay ugu sugnaayeen tiro gadaadiid dagaal oo intaas ka badan.

Puntland ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay inay si deg-deg ah isu soo dhiibaan ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliska booliska ee Puntland ayaa intaas ku daray in ciddii u hoggaansami wayda amarkan ay ka qaadayaan tallaabo adag isla markaana ay si deg-deg ah u fulinayaan howlgal.

“Ciidamada Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga ah, ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri war-saxaafedeed kasoo baxay taliska booliska Puntland.

Dhinaca kale, ciidamada PSF ee taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ay shacabka magaalada Boosaaso ku gelinayaan bandow bilaabanaya caawa, iyadoo bandowgaan ay ku sheegeen mid lagu adkeynaayo amniga magaalada.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda PSF ayaa lagu sheegay in dadku ay muujiyaan deganaansho iyo mas’uuliyad, lana shaqeeyaan ciidamada.

Tallaabadan bandowga lagu soo rogay Boosaaso ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo laga dareemayo Boosaaso iyo magaalooyinka Garoowe.

Subaxnimadii Arbacadii ayaa dagaal culus uu ka qarxay duleedka waqooyi bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta ee taabsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Puntland.

Dagaalka oo aroortii hore qarxay ayaa lagu oo warramayaa inuu qaatay saacado badan, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay kamid yihiin hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo dagaalka qaaday ayaa gudaha u galeen xerada ay daganaayeen ciidamada PFS, kadib markii halkaasi laga saaray ciidamadii ku sugnaa loogana qabsaday hub iyo gaadiid.

- Advertisement -

Read more

Local News