Garoowe (Caasimada Online) – Kooxo burcad-badeed Soomaali ah ayaa markab ganacsi oo ay qafaasheen u beddelay saldhig ay ka abaabulaan weerarro cusub, xilli xeebaha Puntland ay mar kale ka soo cusboonaadeen falalka afduubka maraakiibta.
Burcad-badeedda ayaa markabka xamuulka qaada ee MV Sward u adeegsanaya waxa loo yaqaan “markab hooyo” ama mothership, kaas oo ay ka kala diraan doomaha dheereeya ee lagu weeraro maraakiibta ku sugan meelaha ka fog xeebaha Soomaaliya.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Telegraph ayaa sheegtay in kooxaha ka hawlgala markabka Sward ay 16-kii July qafaasheen laba doon oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, kaddib howlgal si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacay biyaha Badweynta Hindiya.
Labada doon ayaa Sabtidii la sii daayay, kaddib markii sida ay odayaasha deegaanka sheegeen la bixiyay madax-furasho dhan $20,000 oo doolar doontii. Waxaa xilligaas xeebaha Puntland lagu haystay illaa lix markab iyo doonyo, iyadoo qaar ka mid ah weli gacanta ugu jiraan kooxaha burcad-badeedda.
Maraakiibta la haystay waxaa ka mid ahaa Honour 25 iyo MT Eureka, markabka shidaalka iyo kiimikada qaada ee MT Asana, markabka xamuulka ee MV Sward iyo labada doon ee kalluumeysiga Iran.
Hay’adda Badaha Adduunka ee IMO ayaa horraantii bishan sheegtay in 44 badmaax lagu haystay saddexda markab ee Honour 25, Eureka iyo Sward, kuwaas oo la qafaashay intii u dhexeysay April iyo May. IMO waxay ka digtay in afduubyadani muujinayaan in khatarta burcad-badeednimadu aysan dhammaan, loona baahan yahay iskaashi caalami ah oo joogto ah.
Markab weerarro laga abaabulayo
MV Sward, oo dhererkiisu yahay ku dhowaad 100 mitir, ayaa la qafaashay 26-kii April isagoo shamiindo ka soo qaaday magaalada Suez ee dalka Masar, kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee Kenya.
Markabka ayaa lagu weeraray meel qiyaastii lix mayl-badeed waqooyi-bari kaga beegan degmada Garacad, iyadoo kooxo hubeysan ay la wareegeen, kuna jiheeyeen xeebaha Soomaaliya. Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka Atalanta ayaa xaqiijiyay in markabka lagu qafaashay aagga Dhinowda ee xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya.
Warbixinno hore ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay ka koobnaayeen 13 muwaadin oo Suuriyaan ah iyo laba Hindi ah. Markabka ayaa markii dambe lagu xiray meel u dhow deegaanka Ceel-Dhanaane ee gobolka Mudug, ka hor inta aan loo dhaqaajin dhanka xeebaha Bandar Beyla.
Ilo dhanka sirdoonka iyo ammaanka ah ayaa sheegay in MV Sward uu xeebahaas ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo cusub, iyadoo doomaha dheereeya ee laga soo diro ay weeraraan maraakiibta iyo doonyaha kalluumeysiga ee maraya biyaha Soomaaliya.
Markabka ayaa la sheegay inuu meel dhow ka joogay markii la qafaalanayay labada doon ee Iran, taas oo muujineysa in burcad-badeeddu dib ugu laabanayaan xeeladihii ay isticmaali jireen xilligii ay ugu awoodda badnaayeen xeebaha Soomaaliya, 15 sano ka hor.
Markabka weyn wuxuu burcad-badeedda siinayaa awood ay toddobaadyo ama bilo ku joogaan badda, isagoo u qaada shidaal, cunto, hub iyo doomaha yar-yar ee loo adeegsado weerarrada.
Taageero ay ka helayaan gudaha
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in kooxaha burcad-badeedda ay taageero ka helayaan dad iyo maleeshiyaad ku sugan deegaannada xeebaha, arrintaas oo adkeyneysa in la soo qabto ama laga dulqaado maraakiibta ay haystaan.
Mid ka mid ah raggii hoggaaminayay qafaalka MV Sward, isla markaana ku hadli jiray luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska intii ay socdeen wada-hadallada madax-furashada, ayaa lagu qabtay deegaanka Garacad.
Ninka ayaa la geeyay saldhigga booliska, balse maalintii xigtay maleeshiyaad hubeysan ayaa weeraray saldhigga, iyagoo isku dayay inay xoog ku sii daayaan. Is-rasaaseynta ka dhalatay weerarka waxaa ku dhintay askari boolis ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Sarkaal ka tirsan Puntland ayaa sheegay in weerarka kaddib la ogaaday inaan ninka lagu sii hayn karin Garacad, sababo la xiriira xiriirka qabiil iyo taageerada uu deegaanka ku leeyahay. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadgureeyay magaalada, waxaana ugu dambeyn loo qaaday Garoowe.
Dhacdooyinka ayaa muujinaya sida xeebaha gobolka Mudug ay mar kale ugu soo noqonayaan xarun ay kooxaha burcad-badeeddu ku haystaan maraakiibta, ugana maamulaan wada-hadallada madax-furashada.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay markii bartamihii bishan degmada Jariiban lagu dilay taliyihii booliska degmada, Gaashaanle Dhexe Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye, oo sidoo kale loo xil saaray la dagaallanka burcad-badeedda.
Dableyda dishay taliyaha ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxaha burcad-badeedda, iyadoo wararka qaar ay sidoo kale ku xireen weerarkii lagu qaaday saldhigga booliska Garacad.
Puntland ayaa 17-kii July fulisay xukun dil ah oo lagu riday Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu helay dilka taliyaha. Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ciidamadu maalmihii ka horreeyay dilka xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah shabakadaha burcad-badeedda ee ka soo cusboonaaday xeebaha gobolka Mudug.
Dagaalka Iran oo fursad noqday
Kororka weerarrada ayaa qayb ahaan lala xiriirinayaa dagaalka ka socda Iran iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Hormuz.
Maraakiib badan oo dagaal oo horay uga qeyb qaadan jiray ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa loo wareejiyay Bariga Dhexe, si ay uga jawaabaan weerarrada maraakiibta, dhaqdhaqaaqyada Iran iyo hanjabaadaha kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Taasi waxay abuurtay meelo bannaan oo dhanka ammaanka ah, kuwaas oo burcad-badeedda Soomaaliya ay ka faa’iideysanayaan. Hay’adaha ammaanka badaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaasi ay adeegsanayaan isgaarsiinta dayax-gacmeedka, qalabka GPS-ka iyo maraakiib la qafaashay oo ay saldhigyo ka dhigtaan.
Dhinaca kale, kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa muddo dheer ka cabanayay maraakiib shisheeye oo si sharci-darro ah uga kalluumeysata xeebaha dalka, gaar ahaan kuwa ka yimaada Iran, Yemen, Pakistan, India, Thailand iyo China.
Maraakiibta Iran ayaa si gaar ah loogu eedeeyay kalluumeysi aan fasax lahayn, iyadoo cilmi-baarisyo hore ay tilmaameen inay qayb weyn ka yihiin kalluunka ay maraakiibta shisheeye sida sharci-darrada ah uga gurtaan biyaha Soomaaliya.
Si kastaba, la wareegidda maraakiib ganacsi, afduubka shaqaalahooda iyo dalbashada madax-furashada ayaa loo arkaa falal dambiyeed abaabulan, halkii ay ka ahaan lahaayeen tallaabooyin lagu difaacayo kheyraadka badda.
Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa intii u dhexeysay 2005 iyo 2012 lagu eedeeyay in ka badan kun weerar, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaha maraakiibta sanado lagu haystay xaalado aad u liita. Howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah iyo shaqaaleysiinta ilaalo hubeysan ayaa markii dambe hoos u dhigay weerarrada in ka badan 90%.
Hase yeeshee, qafaalka maraakiibta cusub iyo isticmaalka MV Sward oo saldhig laga fuliyo weerarro kale ayaa muujinaya in shabakadaha burcad-badeedda ay dib isu abaabulayaan, iyagoo ka faa’iideysanaya mashquulka ciidamada caalamiga ah iyo tabar-darrada ammaanka xeebaha Soomaaliya.

