Buubaa oo sheegay in DF iyo Somaliland ay ahayd inay 26-ka June ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland ay gabeen howlihii loo igmaday.

Buubaa, waxa uu sheegay in dowlada Somalia iyo Somaliland laga doonaayay in maalmaha xoriyada aawgood laga wadahadlo khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya.

Buubaa ayaa sheegay in Labada dhinac laga doonayo xurmadda todobaadka xorriyadda awgii in wadahadalladooda dib u furan, waxa uuna cadeeyay inaan la arki doonin wax dhaama isku soo dhawaanshi iyo wadahadal, sida uu hadalka u dhigay.

Buubaa, waxa uu sheegay in dowlada Somalia iyo Somaliland ay uga muuqato mas’uuliyad daro maadaama uu yiri aduunkuba uu doonayo in laga wadahadlo waxyaabaha leysku maandhafsan yahay.

‘’Wey na hursan tahay inaan ka heshiino wixii na kala geeyay, waayo adduunkuba waxa uu ahmiyad gaara u arkaa in xalka uu yahay in labada dhinac ay kawada hadlaan waxa ay isku garan la’ yihiin’’

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Labada dhinac ka dhabeynta wadahadallada mar walba la sheego inay u socdaan Dowladda federaalka iyo Somaliland, kuwaas oo weli natiijooyin wax ku ool ah aan laga gaarin.

“Haddii la wadhadlo kolley is faham wuxuu doono ha ahaadee baa kasoo bixi kara balse waxaan qabaa in leys horfadhiisto”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaar u yahay wadahadallada Somaliland si loo dhameeyo waxa jira.

Haddalka Buubaa, ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) uu ku dhawaaqay in dib loo bilaabayo wadahadalka labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com