Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo dacwad-oogayaasha Mareykanka ay ku tilmaameen shakhsiga labaad ee ugu awoodda badnaa shabakaddii musuqmaasuqa ee Feeding Our Future ayaa Jimcihii diiday dhammaan eedaha loo haysto, kadib markii lagu qabtay oo laga soo wareejiyey Soomaaliya, kadibna la horgeeyey maxkamad federaal ah.
Cabdikariim Abdillaahi Iidle, oo 42 jir ah, ayaa wajahaya 31 eedood oo ay ku jiraan khiyaano lacageed, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda federaalka iyo lacag-dhaqid, sida ay muujinayaan dukumentiyada maxkamadda.
Cabdikariim ayaa ku andacooday inuusan wax dembi ah gelin, isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah uga jawaabay eedeymaha tan iyo markii 16-kii July dib loogu celiyey gobolka Minnesota.
Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeeyey inuu ka mid ahaa maskaxdii hoggaamineysay qorshe lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo dollar oo loogu talagalay in cunto lagu siiyo carruurta danyarta ah xilligii cudurka COVID-19.
Waxay ku tilmaameen Cabdikariim qofka labaad ee ugu sarreeyey shabakadda, isaga oo ka dambeeyey oo keliya Aimee Bock, aas-aasihii iyo madaxii hay’adda Feeding Our Future.
“Cabdikariim wuxuu kaalinta labaad kaga jiray oo keliya Aimee Bock qorshaha Feeding Our Future,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota, Daniel Rosen.
“Qabashadiisa iyo dib loogu soo celiyey Minnesota waxay muujinayaan halka ay gaari karto gacanta hay’adaha fulinta sharciga Mareykanka. Waad carari kartaa, balse ma dhuuman kartid,” ayuu yiri.
Soo qabashadii Cabdikariim
Cabdikariim ayaa gacanta hay’adaha ammaanka ku galay magaalada Muqdisho 25-kii June, ku dhowaad afar sano kadib markii dacwadihii ugu horreeyey lagu soo oogay bishii September 2022.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in soo qabashadiisa iyo wareejintiisa ay iska kaashadeen hay’adda FBI-da, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, ciidamada booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Cadaaladda.
Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo waaxda baarista dambiyada maaliyadeed ee canshuuraha Mareykanka ayaa kadib Cabdikariim u galbiyey Minnesota, halkaas oo hadda lagu hayo.
Rosen ayaa markii la qabtay ku tilmaamay Cabdikariim “kalluun weyn”, isaga oo sheegay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa qorista iyo taageeridda ganacsiyada lagu darayey qorshaha lagu dhacayay lacagaha canshuur-bixiyayaasha Mareykanka.
Sida ku xusan dacwadda, Cabdikariim wuxuu shaqaale ka ahaa Feeding Our Future, waxaana uu mas’uul ka ahaa qorista iyo taageeridda xarumo sheeganayay inay cunto siinayaan kumannaan carruur ah.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in isaga iyo shaqaale kale ay laaluush iyo lacago dib-u-celin ah ka qaadan jireen shaqsiyaad iyo shirkado doonayay in loo oggolaado inay maamulaan xarumo cunto oo been-abuur ah.
Nidaamka ayaa lagu tilmaamay mid ku dhisnaa “lacag bixi si laguu oggolaado”, iyadoo qayb ka mid ah lacagaha la lunsaday dib loogu celin jiray shaqaalaha Feeding Our Future, mararka qaarna loo marin jiray shirkado magac-u-yaal ah oo lacagaha ku sheegaya khidmad la-talin.
Cabdikariim ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu sameystay xarumo isaga u gaar ah oo lagu diiwaangeliyey magacyada dad kale, kuwaas oo sheegtay inay maalin kasta cunto siinayaan kumannaan carruur ah.
Baarayaasha ayaa sheegay inuu sameeyey shirkado sheeganayay inay cunto u iibinayaan xarumahaas, isla markaana uu gudbiyey qaansheegadyo been-abuur ah si loo helo lacagaha barnaamijka nafaqada carruurta.
In ka badan shan milyan oo dollar oo laaluush, lacago dib-u-celin ah iyo dakhli kale oo la rumeysan yahay inuu kasoo baxay musuqmaasuqa ayaa lagu shubay akoonno ku xirnaa shirkadihiisa, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.
Maxkamadda ayaa Cabdikariim u magacawday laba qareen oo dadweyne, kadib markii ay go’aamisay inuusan awoodin inuu iska bixiyo kharashka qareen gaar ah, inkastoo lagu eedeeyey inuu helay malaayiin dollar.
Kiis gilgilay Minnesota
Feeding Our Future waxay ahayd hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo kafaala-qaadi jirtay xarumaha ka qeybgalaya barnaamijyada cuntada carruurta ee dowladda federaalka.
Hay’addu waxay maamuli jirtay in ka badan 250 xarumood oo ku yaallay Minnesota, iyadoo lacagihii ay dowladda ka heli jirtay ay kasoo kaceen qiyaastii 3.4 milyan oo dollar sanadkii 2019, kuna dhowaadeen 200 milyan oo dollar sanadkii 2021.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in xarumo badan ay buunbuunin jireen tirada carruurta ay quudiyeen, isticmaali jireen liisas magacyo been-abuur ah, kadibna lacagaha ku iibsan jireen guryo, gaadiid qaali ah iyo safarro dibadda ah.
Ku dhowaad 80 qof ayaa dacwado lagu soo oogay tan iyo markii fadeexaddu bannaanka timid, halka 68 qof lagu helay dembiyo ama ay qirteen kaalintooda ilaa dhammaadkii July.
Aimee Bock ayaa bishii May lagu xukumay 500 bilood oo xabsi ah—oo u dhiganta 41 sano iyo siddeed bilood—kadib markii lagu helay inay udub-dhexaad u ahayd qorshaha.
Garsooraha xukunka ridday, Nancy Brasel, ayaa Bock ku tiri: “Tani waxay ahayd dabeyl musuqmaasuq, adiguna waxaad joogtay bartamaha.”
Cabdikariim weli laguma helin eedaha loo haysto, waxaana sharciga Mareykanka uu u aqoonsan yahay inuusan dembiile ahayn ilaa dacwad-oogayaashu ay maxkamad horteed ku caddeeyaan dambigiisa.

