Qeybdiid oo weerara ku qaaday C/kariin Xuseen Guuleed xilli uu…

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo warbaahinta la hadlay ayaa dhaliilay maamulka madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxda maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid, ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug wax qabad la’aan ku aadan iyo in maamulka uusan qaban balanqaadyadii ku aadanaa dhanka amaanka iyo deegaanada kale ee Mudug iyo Galmudug.

Cabdi Xasan Cawaale, ayaa ku eedeeyay Galmudug ineysan waxba ka qaban deegaanadii Al-shabaab ay kaga sugnaayeen gobolka Mudug, islamarkaana aysan jirin deegaan ciidamada Galmudug Al-shabaab ay ka saareen.

Sidoo kale wuxuu maamulka Galmudug ku eedeeyay in wali wax awood qeybsi maamul ah aysan la sameyn maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe, isagoo sheegay in maamulka Galmudug laga doonayay iney awooda maamulka balaariyaan.

“Waxaan la soconaa walaalaheen Ahlu Sunna Waljameeca oo iyaga deegamadii reer Galmudug qayb ka mid ah jooga weli inaysan Maamulka qayb ka aheyn waxaan ogsoonahay dhibaatadii Ahlu Sunna ay ka galeen Gobolada Mudug iyo Galgaduud xureynteeda”

“Dhulka maanta aan joogno qayb ka mid ah iyaga ayaa xureeyay, waxaan loo baahan yahay reer Galmudug, in meel la iska dhigo Siyaasadaha tirada badan oo Maamulkii lagu midoobo.”ayuu hadalkiisa raaciyay Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com