26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Cabdiwaal oo si kulul u beeniyey warar maanta laga faafiyey oo ahaa inuu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo lagu tiriyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Dhexe, ee saluugsan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay in uu qayb ka ahaa dagaalkii maanta Ciidamada Dowladda looga saaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Goor sii horeysay, ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaaya in Cabdi Nuure Siyaad, uu horkacaayay duulaankii Ahu Sunada Gobolada Dhexe kula wareegtay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Isagoo taasi ka hadlaayayna waxa uu yiri “Waa war waxba kama jiraan ah, cidii sheegtay ayaa laga rabaa in la weydiiyo meeshii la’igu arkay, anigoo la socdo Ciidamadii Ahlu Sunna, ee qabsaday Magaalada Guriceel.”

Waxa kaloo uu sheegay in isaga uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaana uu ka maqlay uun in Ciidamadii Dowladda laga saaray Magaalada Guriceel.

“Aniga waxaan jooggaa Magaalada Dhuusa Mareeb, anigoo Magaalada jooggo uun baan maqlay in Ciidamada Ahlu Sunna Wal Jameeca ay la wareegeen Guriceel.” Ayuu yiri Cabdi Nuure Siyaad.

Cabdi Waal oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa markale yiri “Waxa wada dagaalamaaya waa laba nin oo ilmo adeer ah. Xasan Sheekh ayaa Gobolada Dhexe u soo diray niman aan dadka u naxaynin. Hubkii uu u soo dhiibay ayay dadkooda ku leynayaan.”

Sidoo kale wuxuu yiri “Xasan Sheekh baa ka masuul ah dhibaatada ka taagan Gobolka, waayo iyadoo nabadgelyo ka jirto isagaa hub soo siiyay Saraakiil ciidan oo deegaanka ah.”

Si kastaba ha-ahaatee dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Guriceel, ayaa waxaa ku dhimatay 15 ruux, halka 33 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka dhintay saddex ka mid ah waa shacab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News