Cabdi Weli GAAS oo qiray fashilka PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ka hadlaayay duullaanka ay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish kawadaan deegaano hoostaga maamulkiisa ayaa sheegay in maamulka uu diyaarinaayo qorshooyin uu kaga gaashaanto duullaanka socda.

Gaas waxa uu sheegay in ciidamada Puntland, aysan gacmaha ka laaban doonin weerar waliba ee kaga imaada dhanka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa in labadaasi Koox ay leeyihiin xirfad qarsoodi ah oo aysan laheyn kuwa deegaanka.

Waxa uu qiray in Al-shabaab iyo Daacish ay leeyihiin awood ku filan, balse ciidamada Puntland ay muujin doonaan ilaa xad ka hortagida is ceersida u dhexeeya labada maleeshiyo.

Ciidamada Puntland ayuu sheegay inaysan u babacdhigi karin Al-shabaab iyo Daacish, waxa uuna taasi ku micneeyay in ciidamada maamulka ay yihiin banaan joog, halka Al-shabaab iyo Daacish ay ku dhex dhuumaaleystaa dadka shacabka ah.

Gaas ayaa sidoo kale, ballanqaaday in ciidamada maamulka ay duullaan ku qaadi doonaan meel waliba oo lagu sheego Al-shabaab iyo Daacish, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay ka faa’iideysan doonto is burbursiga labadaasi koox u dhexeeya.

Geesta kale, kulan aan la shaacin oo uu Gaas madaxtooyada kula qaatay Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayuu ugu baaqay in la sameeyo howlgalo lagu maja-xaabinaayo firxadka maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com