Cabdi Xaashi oo qoraal afar qodob ah u diray Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Political Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa baaq u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo madax goboleedyada oo uu maanta shir uga furmay Muqdisho.

Golaha ayaa Madasha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay gacan ka gaystaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan guddiga doorashooyinka xildhibaanada gobollada waqooyi, oo laba garab kala ah, islamarkaana kala doortay laba hoggaan oo kala raacsan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Golaha ayaa soo jeediyey afar qodob oo xal u noqon kara khilaafkan, balse ma cadda haddii ay jirto cid dhageysaneysay, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu si cad ula saftay garabka Mahdi Guuleed, sheegayna in khilaafkan lasoo xiray.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland 

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Political Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu 11-kii bilood ee la soo dhaafay u halgamayey ama ku hadlayey codka iyo rabitaanka Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Reer Waqooyi ee doonaya in ay maamushaan oo u madaxbananadaan doorashadooda, hase ahaatee nasiib daro qadiyadda iyo rabitaanka ummadda Reer Waqooyi waxaa la geliyey muran iyo khilaaf siyaasadeysan oo aan dhamaad lahayn oo ay gadaal ka riixayaan Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo dad adeegayaal ah.

Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo markeedii horeba aanu ka tirsanaynay in ay ku dhisantay si cadaalad daro ah oo aanay dadka midnimada u taagani ku lahayn wax metelaad ah, waxay keentay in uu jiitamo khilaafka ka jira maamulka iyo madaxbanaanida doorashada reer waqooyi oo ilaa maanta oo meelo badan la soo saaray Senators-kii Barlamaanka 11-aad naloo diidan yahay in aanu aayahayaga ka tashano oo si madaxbanaan u maamulano doorashadayada.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dawlad goboleedyada dalka ee maanta shirku uga furmayo Muqdisho, waxaanu ugu baaqaynaa in si niyad wanaag iyo Soomaalinimo ku jirto ay noola galaan xal u helida khilaafka ka taagan maamulka iyo madaxbanaanida doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada waqooyi (Somaliland) oo sidii aanu marar badan qoraal iyo afba ku gudbinay qodobo la kala doorto (options), kuwasoo noqon karay xal kama dambeys ah laakiin nalaga diiday. haddana waxaanu soo jeedinaynaa si doorashadu u qabsoonto in la qaado talooyinkan hoos ku qoran

1. In la dhiso guddoon Reer Waqooyi ah (Steering Committee) doorashada maamusha oo noogu jirta halka maamul goboleedyada oo kale, gaar ahaan tan aqalka sare.

2. In si cadaalad ku jirto loo mideeyo labada dhinac ee Gudiga SEIT Somaliland ee la kala jebiyey, loona sameeyo gudoon mideysan.

3. In habraacyada la sameynayo lagu tixgeliyo duruufaha gaarka u ah doorashada xildhibaanada ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo mudnaanta iyo miisaanka ay leeyihiin la siiyo odayaasha dhaqanka ee ku jira 135ta, maadaama ay yihiin madam keliya ee aanu haysano.

4. In goobta doorashada iyo amnigeedu noqdaan kuwo laysku haleyn karo oo u siman Odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo musharaxiinta, si furana ay u imaan karaan warbaahinta iyo goobjoogyaasha kale.