Cirro oo si qiiro leh uga hadlay weerarkii Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Ex Kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dad badan ku dhinteen halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay inaysan jirin naxdin iyo tiiraanyo ka weyn in la gumaado shacab aan waxba galabsan, isagoona ka tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naf waayey qaraxaasi bahalnimada ahaa.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidoo kale waxa uu Ilaahay uga baryay in caafimaad deg deg ah siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo ku jira Isbitaalada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Ciro ayaa shacabka reer Muqdisho ku booriyey inaysan is-dhiibin, wuxuuna ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook “Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah”.

“Runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho”.

“Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!”.