Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab careysan ayaa maanta u daatay bogga Villa Somalia, kadib markii lasoo geliyay sawirrada kulan dhiirrigelin ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare dalka.
Madaxweynaha ayaa ardayda uu la kulmay ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.
Sidoo kale, wuxuu u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya in uu dalka gudhiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo haldoorka aqoonta iyo jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.
Intaas kadib waxaa fal-celin aan caadi ahayn ay ka dhalatay kulankan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay howlaha burburinta iyo barakicinta ee ay weli dowladdu ka wado magaalada Muqdisho.
Shacab ka careysan arrintan ayaa qarqiyay bogga Villa Somalia, taas oo keentay in Madaxtooyadu dareento cadaadis xoogan oo ugu dambeyn ku qasbay in qaybta comment-yada laga xiro sawirrada ay soo gelinayaan shacabka.
Wariye Maxamed Cabdi Muudey oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in fal-celinta dadweynaha ay muujineyso kala fogaanshaha Madaxweynaha iyo shacabka, isaga oo xusay in Villa Somalia ay u adkeysan weyday dareenka dadweynaha la barakiciyay. “Falcelinta bulshada ee post‑kan waxay muujinaysaa in Madaxweynaha iyo shacabka ay aad u kala fog yihiin. Waxa kale oo xanuun leh in maamulayaasha bogga villa Somalia aysan u adkeysan karin sawirrada falcelinta, kana xareen si ay uga fogaadaan cadaadiska bulshada”.
Maxamed Cabdullahi: “Way mudanyihiin in la dhiirigiliyo lkn waxay kasii mudnaayeen in guryihii ay daganayeen aan laga barakicin”.
Faysal Xuseen: “Ummadda masaakiinta ah ee midnight Cagaf-cagafta aad la dul taagan tahay ka xishoo”.
Jibriil Maxamed: “Maxaad u xirateen qeybta sawirrada marka comments ka la joogo”.
Cumar Cabdalle: “Madaxweyne ma la socotaa dhaca, dilka iyo qixinta lagu hayo lagu hayo, Aakhiro adiga ayaa wax lagaa weydiinaa Madaxweyne?”.
Dr. Cabdiqaasim Salaad: “Barakiciye qeybta sawirrada fur”.
Maxamed Dhoore “Kuwaan kama duwano kuwii aad shalay dhashiikayaasha la dhacday ee guryadooda kasoo barakicisay iyo kuwa isbitaallada jiifa”.

