Mustafe Cagjar: ONLF waa in raalli-gelin buuxda ay ka bixiso xasuuqii ay geysatay

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa.

Cagjar ayaa ka dalbaday hoggaanka sare ee ururkaasi oo haatan soo af-meeray dagaalkii uu waday inay raalli-gelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in hoggaanka ONLF ay horyimadaan shacanka, una cadeeyaan khaladaadkii ay horay uga galeen.

“Hoggaanka ONLF waa in ay shacabka hor yimaadaan oo ay u caddeeyaan dagaalka, looma baahno in xiligaan dadka murugsan dib loo dhaawaco maskaxdooda, dadka gubanayo ee ehelkooda la dilay waxa kaliya ay u baahan yihiin waa in raalli gelin buuxda lasiiyo” ayuu markale yiri Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

ONLF oo muddo dheer dagaal dhiig badan uu ka daatay ka waday dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadkii 2018-kii heshiis la gashay Ra’iisul wasaaraha wadankaasi, Dr. Abiy Axmed oo isbedallo ballaaran sameeyey, tan iyo markii uu talada la wareegay.